4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Ururka Al-shabaab oo afduub ka geystay gobolka Sanaag

 

Khamiis, December, 10, 2020 (HOL) - Warar naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab dad shacab ah ka afdu afduubteen deegaan lagu magacaabo Milxo saqdii dhexe ee xalay.

Dadka ay afduubteen Al-shabaab oo tiradooda lagau sheegay ilaa saddex ruux ayaa ka mid ahaa dadka ka ganacsada dabka buuraha laga qado.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa dhacay iska horimaad kooban oo dhaxmaray dagaalamayaasha Al-shabaab iyo rag hubeysan oo ku sugnaa deegaanka balse markii danbe laga itaal roonaaday.

Dadka deegaanka ayaa siweyn u hadal haya weerarka Al-shabaab oo inta badan lagu yaqaanno in ay ka dagaalamaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]