4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay 8 xubnood oo katirsan khuburada Al-shabaab u sameeya qaraxyada
 

Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa fuliyay labo duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameesaday khubaro katirsan al-Shabaab oo qaraxyada sameeya, waxayna duqayntu ka dhacday agagaarka Jilib.

Qiimeyn hordhac ah oo lagasoo saaray duqayntaan, ayaa lagu sheegay in lagu dilay 8 xubnood oo door muhiim ah ka ciyaara soo saarida walxaha qarxa, oo ay ku jiraan qaraxyada lagu xiro gawaarida xamuulka qaada.

Africom waxay sheegeen inay hubinayaan in dad rayid ah wax ku noqday ama ku dhinteen duqeymahan.

“Waxaan sii wadeynaa inaan garaacno kuwa doonaya inay waxyeeleeyaan anaga ama lamaanayaasheena,” ayuu yiri, Maj. Gen. Dagvin Anderson, Taliyaha howlgalada Wadajirka ah ee AFRICOM.

“Taliska Africom iyo la-hawlgalayaashiisa caalamiga ah waxay aqoonsan yihiin muhiimadda xasilloonida Soomaaliya. In kasta oo nabadda iyo xasilloonidu u baahan yihiin maamul adag iyo in dadka Soomaaliyeed la siiyo barnaamijyo dhaqaale iyo fursado, haddana nabadgelyadu waa aasaaska mid kasta.,” ayaa lagu yidhi, bayaanka AFRICOM.

Taliyaha ciiddanka Africom, Stephen J.Townsend, ayaa sheegay duqayntan inay muujinayso  sida ay nooga go'an tahay ciribtirka halista iyo taageerida saaxiibadooda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]