4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
Dowladda oo war ka soo saartay ka ganacsiga maandooriyaha

 

Khamiis, December, 10, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin ka ganacsiga maandooriyaha oo sida ay sheegtay dabagal adag lagu sameyn doono dadka ka ganacsada iyo kuwa soo dajiya intaba.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa u digay Dadka ka ganacsanada Maandooriyaasha Qaadka, taabuuga, Xashiishka iyo Dawooyinka Maanka dooriya, kuwaaso uu sheegay in si aan sharci ahayn  dalka lo so galiyo.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa faray Ciidamadda Booliska iyo kuwa Badda inay gutaan Wajibaadkooda, islamar ahaantaasna si deg deg ah uga howl-galaan Ganacsatadda iyo shirkaddaha Faa'iidada ka raadinaya ka ganacsiga maandooriyaha.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan   ayaa intaas ku daray  in talaabo sharci ah laga qaad-doono Dadka ka ganacsadda Maandooriyaasha haddii aysan ka waan-toobin, wuxuu sheegay in hantidooda gaar ahaan Gaadiidka ay ku galayaan fal danbiyeedyadda lala wareegidoono si waafaqsan Qodobadda 182aad iyo 183aad ee Xeer-ka Ciqaabta Soomaaliyeed. 

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa wal-wal ka muujiyay habka loo isticmaalayo Warbaahinta oo lo faafinayo, loona baahinayo Warar sida uu sheegay anan sal iyo raad toona lahayn, kuwaaso uu ku tilmaamay inay kicinayaan fitno kuna xad-gubayaan Dastuurka Soomaaliyeed. wuxuu intaas ku daray in arintaas lagu jahwareerinayo shacabka Soomaaliyeed laguna dhaawacayo Qarnimadda Soomaaliyeed. 

Ugu Danbayntii, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ka digay Warbaahinta in loo isticmaalo in wax lagu bur-buriyo, wuxuu kaloo ka digay in lagu tunto Xoriyadda Saxaafadda oo sheegay in uu magacaabay Xeer-ilaaliye si gaar ah ugu ilaaliya waxa ay xaqa u leeyihiin kana ilaaliya xad-gudubyadda ay gaysan karaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]