4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 10, 2020
War laga soo saaray saraakiishii lagu laayay shalay gobolka Galguduud

 

Khamiis, December, 10 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad  Gobolleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in 7 sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku dhinteen weerarkan oo dhacay galinkii danbe ee shalay.

Wuxuu sheegay in maleeshiyaad ilaa iyo hadda aan la garan weerarkan geysteen, kaddib markii ay dhabaha u galleen gaadiid ay la socdeen saraakiisha.

Dowladda Soomaliya ayaa dhinaceeda xaqijisay warka ku saabsan dhimashada saraakiishan oo meydkooda la geeyay degmada Ballanbale.

Waxaa soconaya baaritaan ay wadaan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo la xiriira hubinta sida ay wax  u dhaceen iyo sababta maleeshiyada u beegsadeen saraakiishan oo ka tirsanaa qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in arintani salka ku heyso aano Qabiil iyo dagaalo hore deegaanka uga dhacay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]