4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020
Madax ka tirsan Hirshabeelle oo ka badbaaday shil diyaaradeed xili ay Baledweyne kusii jeedeen
 

Talaado,December, 01, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Xaaji Luqmaan ayaa diyaaradii ay saarnayeen waxay cilad ku qabsatay Hawada sarre xili ay kusoo jeedeen magaalada Baledweyne oo ay kuso dhawadeen garoonka Ugaas Khaliif ee Baledweyne waxaana diyaarada aay dib ugu laabatay magaalada Muqdisho halkaaso si nabad ah ay ku gaartay.

Ciladda qabsatay diyaarada ayaa lagu sheegay inuu damay mid ka mid ah labada matoor ee ay laheyd diyaaradda.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ka mid ahaa wafdiga guddoomiyaha Baralamaanka Hirshabeelle oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu sheegay iney si nabad ah ku gaareen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Kheyre "diyaaradda waxaan kasoo raacnay Jowhar nooceedu waxa uu ahaa Fokker 50 ama 50 qaad aay ledahay Shirkadda SOM EXPRESS waxayna aheyd iney nageyso Baledweyne balse xili aan ku dhawnahay Baledweyne oo qiyaas ahaan wax kayar 10 daqiiqo noo dhiman tahay waxa damay mid ka mid ah Matoorada diyaarada waxan fileynay inuu duuliyaha Baledweyne nagu dajiyo balse waxuu ku adkeystay inuu muqdisho nagu celinayo oo 50 daqiiqo noo jirtay safarkeda nasib wanag allah wuu nagu nabad geyay " ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiraxman Kheyre.

Safarka wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u jeedkiisu ahaa imaanshaha magaalada Baledweyne iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen tabashooyin badan oo ka dhashay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar oo hab dhismeedkeedu kasoo horjeesteen qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.

Xaalada magaalada Baledweyne ayaa aheyd labadii todobaad ee lasoo dhaafay mid kacsan kadib markii banaanbaxyo looga soo horjeedo Hirshabeelle ay hareeyeen sidoo kalana ciidamo aad u hubeysan oo diidan imaashaha madaxweynaha Hirshabeelle aay saldhigteen duleedka Baledweyne .

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]