4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 6 , 2020
Turkiga oo iska fogeeyay in ciidamada uu u tababarayo Soomaaliya dano gaar ah ka leeyahay
 

Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa si kulul u beeniyay wararka warbaahinta ee sheegayay in Ankara ay wado dadaalo ah in ay qaadayso  ciidamado Soomaaliya ah oo loo dirayo Libya, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro xoogagga mucaradka ah ee Gen. Khalifa Haftar.

“Waxaan la soconaa wadamada qaar in ay Soomaaliya u caawinayaan danahooda gaarka ah. Anaga caawinteena Soomaaliya waa dadaal bartilmaameed ah. Eedeymahaasina Wax run ah kama jiraan,” ayuu yiri danjiraha.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 1,000 sarkaal oo booliis ah oo gaar ah ay u tababaridoonaan Soomaaliya, Waxaa kale oo safiirku sheegay in dowladdiisu ka shaqeyso in Soomaaliya hesho ciidamo awood u leh inay Amisom kala wareegaan masuuliyadda amni ee dalkooda.

Dhawaan, dowladda federalka Soomaaliya ayaa sidoo kale beenisay warkaan, iyadoo sheegtay in ciidamada Soomaaliya aysan ahayn calooshood u shaqeystaal dano gaar ah loo adeegsado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]