4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 6 , 2020
Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Marka
 

Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Deegaanka Ceel jaalle ee duleedka magaalada Marka ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab, sida Warbaahinta ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii Alshabaab ay weerareen fariisin ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaankaas, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare, balse weli si dhab ah looma xaqiijin karo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxay tilmaameen iney iska difaaceen weerarka uga yimid Al-shabaab, waxayna intaa ku dareen in dagaalka ay ku dileen sargaal sare oo ka tirsan dhinaca weerarka soo qaaday, balse wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan ma bixin.

Ma jiraan dhinaca kale war kasoo baxay Al-shabaab oo ku aaddan dagaalkaas. Laakin waxa uu kusoo aadayaa xilli shalay ciidamad ka tirsan dowladda iyo Al-shabaab ay ku dagaallameen deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]