4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 6 , 2020
Madaxweyne Laftagareen “Waa muhiim in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab”
 

Khamiis, Agoosto 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Hadalkaan ayaa waxa uu jeediyay mar uu ka hadlayay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Waxaan aad uga xunnahay dhibaatadii soo gaartay ciidamadeenna, waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen askartii dhimatay, waxaan muhiim ah in loo midoobo dagaalka Al-shabaab" ayuu madaxweyne Laftagareen u shegay warbaahinta.

Madaxweynaha Koonfur galbeed waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ciidamada iyo shacabka deegaanka ay muhiim tahay in la iska kaashado arrimaha nabad-gelyada oo si dhow loo baahanyahay iney u wada shaqeeyaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]