4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2020
Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay lubnaan iyo dab ka dhashay oo lala tacaalayo


Talaado, Agoosto 4, 2020 (HOL) - Wasiirka caafimaadka dalka Lubnaan Hassan Hamud ayaa waxa uu sheegay in 25 ruux ay ku dhinteen 2,500 oo ruuxna ay ku dhaawacmeen qarax weyn oo ka dhacay gudaha caasimadda waddanmkaas ee Beirut.

Qaraxa ayaa waxa uu dhibaatooyin lixaad leh u geystay guryo badan iyo hanta xoog leh, sida warbaahinta ay u sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.

Weli si dhab ah looma hubo waxyaabaha uu ahaa , laakiin telefashinka CNN ayaa waxa uu baahiyay inuu ka kacay bakhaarro ku yaalla dekadda oo ay baaruud ku jirtay.

Madaxda dunida ayaa waxay durbaba billaabeen iney ka hadlaan dhibaatada xooggan ee ka dhalatay dabka uu qaraxu sababay.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel oo la hadlay telefashinka Channel 12 ee dalkiisa ku yaalla inuu aad uga xunyahay warka uga imaanaya Beirut, waxa uuna sheegay in si taxadar leh loo maareeyo xaaladda jirta.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa waxa uu sheegay in waddankiisa uu taageero la garab istaagayo Lubnaan, aadna uu uga xunyahay dabka masiibada ah .

“Sawirrada iyo muuqaallada ka immaanaya Beirut waa kuwa naxdin leh” ayuu ku yiri qoraal uu Johnson soo dhigay Twitter-kiisa.

“Boqortooyada Ingiriisku waxay diyaar u tahay in jid kasta oo ay ku taageereyso dowladda Lubnaan ay ku garab istaageyso, si gaar ah waxaan ula soconeynaa muwaadiniinteenna British-ka ah “ ayuu qoraalkiisa soo raaciyay.

Warbaahinta Adduunka ayaa hadda aad u tebinaya xaaladda naxdinta leh ee waddankaasi ka jirta.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]