4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Odayaal iyo Waxgarad kasoo horjeestay Guddiga uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Waare


Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Kadib kulan ballaaran oo ay maanta ku yeesheen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle ayay ku diideen magacaabistii dhawaan lagu magacaabay guddiga farsamadda ee soo xuli doono Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Waare.

Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa sheegeen in Hirshabelle dhismaheedii hore lagu deg degay hadana loo baahan yahay in laga fiirsado dhismaheeda cusub si loo helo Hirshabelle wanagaasan oo hana qaada.

Kulanka oo inta badan Odayaasha ay diirada ku saarayeen aayaha beesha Xawaadle ayay ku shaaciyeen in shirweyne Beesha ah uu qabsoomi doono 20-ka bisha Septembar 2020 kaaso ka dhici doona gudaha magaalada Beledweyne loogana hadli doono danaha guud ee beesha Xawaadle.

Gabagabadii Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa War-murtiyeed kasoo saaray shirkoodii maanta.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]