4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Wafdi ka Socda Wassaaradda Duulista Xukuumadda Soomaaliya oo maanta gaaray Beledweyne


Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Wafdi ballaaran uu hogaaminayay siihayaha xilka Wassiir ku xigeenka Wassaaradda Duulista iyo Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xirsi Aadan Rooble ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigan waxaa qeyb ka ahaa maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan iyo wasiir ku xigeenka Wassaarada Duulista Hawadda dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Geel-suge.

Wafdiga waxa garoonka diyaaraddaha Ugaas khaliif kuso dhaweyay madaxda maamulka gobolka iyo kuwa degmada Baledweyne iyo Ugaas Xasan Ugaas khaliif.

Socdaalka wafdigan maanta kusoo gaareen Beledweyne ayay ku sheegeen iney tahay dhagax dhiga Mashruuc lagu dhisaayo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo ay dhagax dhigeen, waxayna qalab casri ah oo loogu talo galay hagista diyaaraddaha ay ku wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii maamulka gobolka iyo Ugaas Xasan Ugaas khaliif ayaa si weyn uga mahad celiyay qorshahan lagu dhisaayo garoonka diyaaraddaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]