4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2020
Qatar Airways oo ku dhawaaqday inay dib u bilaabayso duulimaadyadeedii Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto 31, 2020 (HOL) - Shirkadda Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabayso duulimaadyadeedii asbuuclaha ahaa ee magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya laga bilaabo Sebtember 6, 2020.

Shirkaddu waxay sheegtay in caasimadda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto diyaarad nuuca loo yaqaano Airbus A320 oo ka kooban 12 kursi oo ah qaybta ganacsiga iyo 120 kursi oo ah qaybta loo yaqaano Economy class.

Qatar Airways waxay sheegtay inay dib u dhis ku sameysay isku xirkeeda in ka badan 85 meelood oo ku kala teedsan lix qaaradood.

Waxay sidoo kale shaacisay inay balaadhin doonta sagaal duulimaad. Marka lagu daro Muqdisho, waxay diyaaraddu sameyndoontaa 40 duulimaad toddobaadle ah iyada oo ka gudbi doonta sagaal waddan oo ay ka mid yihiin Addis Ababa, Dar es Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar.

Madaxa fulinta Qatar Airways Group Akbar Al Baker ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay inaan dib u bilaabano duulimaadyadii caasimada Soomaaliya. Magaalada Muqdisho waxaa loo arkaa inay tahay magaalada ugu dadka badan Soomaaliya, Rakaabka Qatar Airways waxay ka faa'iideysan doonaan shabakadeena caalamiga ah ee ballaaran ee Aasiya, Australia, Yurub iyo Mareykanka maaddaama aan horseed u nahay in Afrika ay adduunka ku xirnaato.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]