4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2020
Madaxweynaha Puntland oo ciidamo iskagasii hormariyay Muqdisho

Axad, Agoosto 30, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa ciidamo ammaankiisa ilaaliya iskagasii hormariyay Muqdisho, halkaas oo lagu wado inuu maalinta berito oo isniin ah uu socdaalkii ugu horeeyay ku tago tan iyo intii la doortay.

Warbaahinta ayaa siidaysay sawiradda askar katirsan ciiddanka madaxtooyada Puntland oo aad ugu qalabaysan hubka fudud kunasii jeeda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa Muqdisho uga qeyb galaya shir arrimaha doorashada looga hadlayo oo ay dowlada federalka soo qaban qaabisay, kaasoo la filayo inuu ka qabsoomo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Khilaafka siyaasadeed ee dhexyaala dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada qaarkood ayaa sababtay inay hoos u dhacdo kalsoonida amni ee ay qaar kamid ah dowlad goboleedyadu ku qabaan dowladda federalka.

Warar aan si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubbaland sababo amaan dartood ay dalbadeen in shirka uu ka dhaco xerada Xalane oo ay ammaankeeda gacanta ku hayaan ciidamada Amisom.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]