4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2020
Golaha ammaanka oo waqtiga u kordhiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
 

Sabti, Agoosto 29, 2020 (HOL) - Golaha Ammaanku wuxuu meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), illaa iyo 31ka Agoosto, 2021.

Qaraar 2540, oo ay si wadajir ah u qaateen 15-ka xubnood ee golaha, ayaa ka codsanaya UNSOM inay ilaaliso oo ay sii xoojiso joogitaankeeda dhamaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee Soomaaliya, iyada oo la raacayo shuruudaha amniga ee UN-ka iyo sida xaaladdu amni tahay.

Golaha Ammaanku wuuxu u muujiyey taageerada UNSOM ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta siyaasadda loo dhan yahay iyo u diyaargarowga doorashooyinka 2021, geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, dhexdhexaadinta, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, horumarinta booliska federaaliga ah iyo nidaamka garsoorka, xoojinta ku dhaqanka sharciga iyo dib u habeynta waaxda amniga, iyo isku-dubaridka taageerada kobcinta awooda ee arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa.

Goluhu wuxuu ku booriyay mas'uuliyiinta Soomaaliya inay abuuraan jawi siyaasadeed iyo nabadgelyo oo ku habboon doorashooyinka loo dhan yahay ee guud ahaan Soomaaliya iyo heerar kasta si loo kobciyo hannaanka siyaasadeed ee badan, la hubiyo xuquuqda iyo waajibaadka xisbiyada siyaasadeed ee sharci ahaan loo dhisay, la dhowro xuquuqda aasaasiga ah, lana cambaareeyo hurinta rabshadaha.

Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay sare u qaadaan la-tashiyada iyo dhismaha is-afgarad iyada oo loo marayo habab wadatashi oo heer walba leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]