4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 28, 2020
Maamulka Jubaland oo ka hadlay duqeymo ka dhacay duleedka Bu'aale
 

Jimco, Agoosto 28, 2020 (HOL) - Sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta maamulka Jubaland Cabdi xuseen Shiikh oo ka hadlay duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka ayaa  waxa uu ku sheegay in waxyeello ugu geysteen Al-shabaab.

Duqeymaha oo ay wada-jir u fuliyeen ciidamada maamulkaas iyo dhinacyada taageera ayaa waxa uu shaaciyay in hadafkii laga lahaa lagu guuleystay.

Wasiirka warfaafinta Jubaland ayaa tilmaamay in duqeymaha ay ka dhaceen deegaanno hoostaga degmada Bu'aale ee Jubbada dhexe.  Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

Ma jiraan Ilo madax bannaan oo xaqiijinaya in duqeymahaas aysan shacab wax ku noqon,  laakiin duqeymo horay uga dhacay Soomaaliya ayaa sababay dhimashada iyo dhaawac dad badan oo rayid ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]