4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2020
Faahfaahin ku saabsan kulamo Garowe uga socda Puntland iyo Jubbaland
 

Arbaco, Agoosto 26, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa soo gabagabeeyay kulamo gaar ah oo magaalada Garowe uga socday, kuwaasoo ay uga tashanayeen mowqifkooda siyaasadeed ee heshiiskii Dhuusomareeb.

Warar lagu kalsoon yahay oo HOL helayso ayaa sheegaya in labada madaxweyne isku raaceen in ay ka qeyb galaan shir la faliyo inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Puntland iyo Jubbaland oo haatan keli ku ah diidmada heshiiska Dhuusomareeb, waxay aqbaleen dalab beesha caalamka ka yimid oo ah inay ka qeyb galaan shirka Muqdisho, iyadoo beesha caalamka ka shaqeynayso sidii hoggaamiyayaasha Soomaalida heshiis buuxda u gaari lahaayeen.

Deni iyo Axmed Madoobe wax heshiis ah oo ay kagasoo horjeedaan heshiiska Dhuusmareeb kuma galin Garowe, balse waxay isku afgarteen inay miiska horgeeyaan mowqifkooda iyo waxyaabaha ay saluugsan yihiin.

Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa waxaa lagu wadaa inay berito ku laabtaan magaalada Kismaayo, isla berito waxaa la filayaa in labada maamul ay soo saaraan war murtiyeed ku saabsan wada hadalka labada madaxweyne. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]