4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2020
Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Culimada Baydhaba
 

Arbaco, Agoosto 26, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka dhacay kulan u dhexeeyay culimada deegaanka iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed "Laftagareen".

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlayay dowrka culimada diinta Islaamka ay ka qaadan karaan dib u dhiska dowladnimada iyo wacyi-gelinta bulshada.

Ilo ku sugan Baydhabo oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in la Isla soo qaaday sidii looga hortagi lahaa falalka gurracan ee ka dhanka ah,  hab-dhaqanka bulshada ee mararka qaar dhaca.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhowaan Baydhabo ay ka dhaceen falal kufsi ah , waxayna arrintaasi keentay in la dilo laba nin oo lagu eedeeyay iney ka dembeeyeen.  

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]