4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Midowga Yurub oo warbixin kasoo saaray Markab la sheegay in lagu afduubay xeebaha Puntland
 

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in markabka ku gooshayay calanka dalka Panama ee lagu tuhunsanaa in ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah uu haatan bad qabo.

Bayaan ay soo saareen, ayay meesha kaga saareen warbixinno la xiriira afduubka markabka ee burcad-badeedda Soomaalida.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Markabka Aegean II uu wax ka bedelay safarkiisa markii ay soo wajahday cilad farsamo, kadibna booliis katirsan ciidanka Puntland ayaa fuulay dushiisa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in markabka uu kor kala socday markab dagaal oo Isbaanish ah oo ka mid ah howlgalka ciidamada badda.

"Waqtigan xaadirka ah, laguma tilmaami karo inuu yahay dhacdo amni," ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay howlgalka.

Sanadkii la soo dhaafay, Golaha Amniga ayaa si wada jir ah u qaatay Go'aan dib loogu cusboonaysiinayo ogolaanshaha talaabooyinka la-dagaallanka burcad-badeednimada illaa Diseembar 2020.

Warar kale oo madax bannaan oo ay Hiiraan Online heshay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Puntland oo markabka loo diray ay hub kala dageen markabka, iyagoo kadibna baxsaday.

Maamulka Puntland ayaa baadigoob ugu jira sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa ciidamada hubka kala baxsaday markabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]