4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Maamulka Dhuusamareeb oo awaamiir dul dhigay dadka deegaanka
 

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - War kasoo baxay maamulka degmada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa waxaa dadka deegaanka lagu amray iney ka shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo bilicda deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha nabad-gelyada iyo siyaasadda Dhuusamareeb Cabdi Xaanshi ayaa bulshada magaaladaas ku amray in ciddii awaamiirra lasoo saaray fulin wayso la ganaaxi doono.

"Waxaan ku amreynaa cid walba oo Dhuusamareeb ku leh guri in albaabka hore ay ku dhajiyaan "Nal", si bilicda iyo ammaanka uu kaalin uga qaato" ayuu  Cabdi Xaanshi u sheegay Warbaahinta.

Dhuusamareeb ayaa waxay kamid tahay meelaha ugu ammaanka wanaagsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana maalmihii ugu dembeeyay lagu qabanayay shirar looga hadlayay masiirka Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]