4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Dood ka dhalatay markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray heshiiskii doorasho ee Dhuusomareeb
 

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Dood ayaa ka dhalatay gudaha Puntland markii mid kamid ah ururada siyaasada Puntland uu taageeray war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb ugusoo gabagaboobay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Urur siyaasadeedka Mideeye oo kamid ah toban urur siyaasadeed kuwo ugu saameynta badan Puntland ayna ku midaysan yihiin siyaasad miisaan culus ku leh Puntland gudaheeda, ayaa shalay bayaan uu soo saaray ku taageeray heshiiska doorasho ee lagu gaaray Dhuusomareeb.

Ururka ayaa ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland inay ka qeyb qaataan dadaalada xal u raadinta mustaqbalka Soomaaliya ayna qeyb ka ahaadaan shirarka soo socda.

Markii uu ururka warkaan uu soo saaray ayaa dad badan oo isugu jira siyaasiyiin caan ah iyo aqoonyahanno waxay bayaankaas kasoo baxay ururka Mideeye ku tilmaameen mid dhaawac ku ah miisaanka iyo midnimada Puntland islamarkaana ururku faraha lasoo galay arimo aan qusayn oo u taala xukuumada Puntland.

Qaar kale ayaa ku dooday in ururku awood u leeyahay inuu soo bandhigi karo aragtidiisa siyaasadeed ee uu qabo uuna sixi karo wixii Puntland ka qaldama.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]