10/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2020
Dowladda Soomaaliya oo 27 qof u xirtay weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar


 

Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 27 qof ayaa loo xiray inay masuul ka ahaayeen hubkii loo adeegsaday in lagu weeraro xabsiga dhexe ee Xamar horaantii bishaan, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Guddi baaritaan ku sameeyay weerarkii xabsiga dhexe ayaa ogaaday in 8 bistoolado, rasaas, iyo bambaanooyin gacanta loo geliyay maxaabiista Al-shabaab ee xabsiga si ay dagaal uga dhex bilaabaan gudaha xabsiga.

Ugu yaraan 12 sarkaal iyo lix rayid ah ayaa la xiray ka dib maalmo baaritaan ay sameeyeen guddi uu magacaabay sii hayaha xilka ra'iisul wasaaraha Mahdi Mohamad Guled.

Col. Aadan Xusseen Kulmiye, oo ahaa madixii ilaalada xabsiga iyo ku xigeenkiisii , ayaa shaqada laga eryay weerarka kadib.

Ugu yaraan 19 qof, oo ay ku jiraan askar, kuwa weerarka soo qaaday ee al-Shabaab, iyo maxaabiis, ayaa ku dhintay weerar ka dhacay xabsiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/20/2020 6:07 PM EST
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - War-murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirka Dhuusamareeb3, waxaa lagu heshiiyey in doorashadu noqoto Degaan doorasho xulis ku salaysan oo xildhihaankii ay soo dooranayaan 301 ergo ah.

8/20/2020 12:12 PM EST
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ambassador James Swan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo Jubbaland ay diideen codsiyo isdaba joog ah oo ay ka heleen hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si ay shirka Dhuusomareeb ugu qeyb qaataan.

8/20/2020 11:02 AM EST
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Burcad-badeedda Soomaalida ayaa afduubay markab laga leeyahay dalka Panama, sarkaal ka tirsan maamulka Puntland ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

8/20/2020 9:04 AM EST
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Puntland ayaa kusoo rogtay qof kasta oo ka duulaya garoomadeeda diyaaradaha inuu bixiyo lacag dhan $68 oo lagu sheegay inay tahay shahaadada baaritaanka cudurka Covid19.

8/20/2020 8:10 AM EST
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Wafdi ballaaran uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta gaaray degmada Feer-feer ee gobolka Hiiraan.

8/20/2020 3:58 AM EST
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa laamaha amniga iyo maamulka gobolka Nugaal ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo qalqal amni ku haysa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

8/20/2020 2:52 AM EST
Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda ammaanka maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo qaar kamid ah taliyayaal ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda faderaalka ah ee maamulkaas ku sugan ayaa waxay booqdeen deegaanno ay kamid yihiin Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, iyadoo lagusoo gabagabeeyay socdaalka tuulada Gadoon.