4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax miino oo ka dhacay Baledweyne.


Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta galinkii dambe ka dhacay albaabka laga galo garoonka kubadda cagta ee Laqanyo oo ku yaala magaalada Baledweyne.

Madaxa howlgalada ciidamada Booliska gobolka Hiiraan Dhaqane Cabdullahi Wehliye ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxii maanta ay ku geeriyoodeen laba askari oo boolis ah laba kalana weey ku dhaawacmeen.

Askarta geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarna gaariga qaraxa haleelay, qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Boqolaal taageero u kala ah kooxaha maanta ku tartami rabay cayaartii qaraxasi uu baajiyay ayaa ku sugna nawaaxiga garoonka si ay u daawadaan cayaartii lagu balan sanaa inkasto ay waxyeelo kasoo gaarin qaraxaasi miino.

Saraakiisha Booliska Baledweyne ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay ineysan marna ka niyad jabin doonin sugitaanka amniga garoonka kubadda cagta Baledweyne.

Garoonka kubadda cagta ee Laqanyo waxaa si habsami leh uga  socday maalmahii lasoo dhaafay tartan kubadda cagta ah oo ay ka qeyb qaadanayaan 8 kooxood oo ka dhisan xaafdaha Magaalada Baledweyne kuwaas oo ah heerka koowaad ah.

Hiiraan Online News Disk