4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Madaxweyne Waare oo war kasoo saaray dil Al-shabaab ay xalay u geysteen wasiirkiisii beeraha
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleed Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dilkii xalay loogu geystay magaalada Jowhar wasiirkiisii beeraha, oo xalay rag hubeysan ay ku toogteen meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda u ah maamulkaas ee Jowhar.

Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha ayaa waxaa lagu amray laammaha ammaanka ee Hirshabeelle iney gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dembeeyay dilka Cabdikhaadir Abuukar Muxumed “Karaani” oo sidoo kale ahaa Xildhibaan Golaha Baaramanka Hirshabeelle ka tirsan.

Mas’uulkaas xalay lagu dilay Jowhar ayaa waxaa dhowaan loo magacaabay xilka wasiirka Beeraha.

Waxaa lagu toogtay xilli uu kasoo baxayay masaajid uu kusoo oogay salaaddii Cisha ah .

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay dilkii loo geystay wasiirkaas, sida lagu qoray baraha wararka ee dhinaca Internet-ka ah ee taageersan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]