4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
Daacish oo sheegatay masuuliyadda weerar ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Kooxda ISIS ee ka hawlgasha Soomaaliya ayaa sheegatay mas'uuliyadda bam-gacmeed lagu bartilmaameedsaday bar kontorool oo booliis ah taariikhdu markay ahayd 7dii bishaan Agoosto.

Weerarkaan oo ka dhacay degmada Towfiiq ee Muqdisho, ayaa lagu dilay hal askari oo katirsan ciiddanka booliiska iyo 2 dhaawac ah.

Warkaan ayaa maanta lagusoo daabacday mareeg katirsan kuwa twitter-ka oo ka faallooda dhaqdhaqaaqyada ururada mintidiinta.

Weerarkaan ayaa u muuqda mid ay ISIS ku muujinayso joogitaankeeda magaalada Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya.

ISIS, waxay hadda dagaalamayaal gaaraya 300 ku leedahay buuralayda gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ka sameysatay xeryo milatari oo maleyshiyaadkooda ku tababartaan.

Hoggaamiyaha kooxdan Cabdiqaadir Muumin oo aad loo baadigoobo ayaa la’aaminsan yahay inuu ku sugan yahay meelo katirsan gobolka Bari.

Al-shabaab ayaa madixiisa dul dhigtay dhiigga boqolaal katirsan dagaalamayaasheeda ku sugan buuraha Calmadow.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]