4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 11, 2020
Khilaaf ka jira masaajid Soomaalidu ka dhistay Norway oo meel adag maraya
 

Talaado, Agoosto 11, 2020 (HOL) - Xaaladda masjidka ugu weyn ee Soomaalidu ka dhistay caasimadda waddanka Norway ee Oslo ayaa waxaa ka taagan muran xooggan oo ku saabsan dhinaca maamulka, iyadoo sidoo kalana ay xayirantahay lacagtii dhinaca dowladda kasoo gali jirtay masaajidka.

Warar Ilo lagu kalsoonyahay ay HOL ka heshay ayaa sheegaya in muranka uu salka ku hayo cidda maamuleysa masaajidka Tawfiiq, arrintaas oo ay ku murmeen laba garab oo iska soo horjeeddo.

Maamulka Gobolka iyo dowladda Norway ayaa waxay labadaba soo jeediyeen in la qabto doorasho wakhtigeeda lagasoo hormariyay, islamarkaana la raaco xeer cusub oo masjidka loo sameeyay, hase-ahaatee arrintaasi ma noqon mid la dhaqan-geliyay.

Dadka la hadlay Hiiraan Online waxay sidoo kale sheegeen  in labadan garab ay is dacweeyeen , laakiin dhammaan meelihii ashkatada la geeyay ayaa dib ugusoo celiya, waxaana loo sheegay in dhinacyada is haaysto iyagu heshiiyaan.

Waxaa mar jiray isku soo dhowaashiyo la doonayay in xeerka cusub lagu meel mariyo, waxayse xaaladdu kasii dartay markii boolis ilaalinayay goob lagu ballamay loo dusiyay xog sheegeysay iney weerar soo yihiin dad mindiyo iyo bistoolado ku hubeysan, waxayna arrintaasi dhalisay in dhowr qof oo dumar u badan loo diido iney goobta galaan, waxaana kamid ah sida xogto sheegeyso iney ku jiraan haween bixiyay lacago badan oo masaajidka lagu dhisay.

walaac xooggan ayaa ku gadaaman mustaqbalka masaajidka Tawfiiq, haddii aan loo helin xal deg deg ah oo ay gaaraan Soomaalida iyo muslimiinta ku nool magaalada Oslo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]