Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida “Waxaan fulin doonaa ciqaabta kuwii dambiga ka geeystay Walaweeyn”
Arbaco, Abril, 08, 2020 (HOL)- Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Korneeyl Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Walaweeyn ee gobolka Shabeelada Hoose oo dhawaan aay ka dhaceen dagaalo geestay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa lakulmay qeeybaha bulshada, maamulka gobolka Shabelada Hoose iyo wasiiro kasocday maamulka Koofurgalbeed, waxaana aay kala hadleen in aay u socdaan in baaritaano lagu sameeyo dhibaatooyinkii dhacay intii aay socdeen dagaalada Walaweeyn.
Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo munaasabada kahadlay ayaa yiri “Waxaan u imaanay halkaan inaan fulino ciqaabta kuwii muuqaalkeena xumeeyay islamarkaana gubay, gowracay dad aan waxba galabsan, waxaan balan qaadeynaa inaan fulin doona shaqadii aan halkaan u nimid. Sidoo kale waxaan amranayaa ciidanka Danab inaay gacanta ku haayaan amniga degmada, waxaana ku wargalinayaa qofkii aay arkaan inuu dhib wado inaay noogu keenaan nolol iyo geeri”.
Dhanka kale maamulka gobolka Shabeelada Hoose oo munaasabada kusugnaa ayaa sheegay inaay muhiim tahay in la’ilaaliyo nabadgalyada deegaanka islamarkaana dadka walaalaha ah aay ka fekiraan amnigooda, wuxuuna dadka ugu baaqay inuusan isku dirin qof aan ayaga u daneeyneeyn.
“Marka aan hoolkan ka baxno waxaa idinsoo wacaaya kuwa dibadaha jira oo isku kiin diraaya, qof aan kugu dheef ahaayn oo marka aad kuleeylka kujirto isagu qaboow kujira waxba kuuma hayee yeeysan isku kiin dirin, idinka ayaa isku dan ah oo larabaa inaad ilaashataan nabadgalyadiina, maamulka Koofurgalbeed iyo wafdiga maxkamada waxaay u diyaarsanyihiin in uu cadaalad helo qof kasta oo dambi laga galay” ayuu yiri gudoomiyaha Shabeelada Hoose Ibraahin Aadan Najax.
Dagaalada ka dhacay Walaweeyn iyo deegnaada ku dhadhow ayaa waxaay geeysteen qasaaro badan waxaana falcelin badan dhaliyay markii baraha bulshada lagu shaaciyay qof lagubaayo oo aay hareer joogaan dad badan oo daawanaya.
Ciidanka xooga dalka oo ka kala yimid qeeybo badan ayaa kala dhexgalay dadka ku dagaalamay degmada Walaweeyn ee gobolka Shabeelada Hoose, waxaana ciidanku aay ku amreen qabaa’ilkii dirirtu u dhaxeeysay inaay xabada joojiyaan kuna laabtaan deeganadooda.
Xaalada degmada Wala-weeyn ayaa hada degan waxaana soconaya baaritaanada dilalkii foosha xumaa ee kadhacay degmada, waxaana laamaha amnigu aay xaqiijiyeen in lasoo qabtay maleeshiyaad lagu tuhunsanyahay inaay geeysteen gaboodfaladii kadhacay degmada intii aay dagaaladu socdeen.