Talaado, April, 07, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay inuu tilaabo degdeg ah ka qaadidoono ciidamada iyo saraakiisha ku lugta leh in si qarsoodi ah Qaadka lagusoo galiyo gudaha Puntland, xilii uu maamulku mamnuucay.
Madaxweyne Deni ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dadkii loo xilsaaray inay Qaadka la dagaalamaan isla iyagii ay ka shaqeynaaan in Qaadku lasoo galiyo, taasoo uu ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan Karin oo ceeb ku ah maamulka.
“Waxaan halkaan farriin uga dirayaa ciidamada Puntland oo dhaliil fara badan ay ka jirto ama inayan la dagaalamin Qaadka. Puntland waxay sameynaysaa dabagal adag waxayna tilaabo degdeg ah ka qaadaysaa cidii fududaysay in Qaadku yimaado Puntland,” ayuu yidhi madaxweynaha Puntland.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Qaadku yahay waxyaalaha sida fudud usoo qaadi kara cudurka Coronavurus islamarkaana wuxuu shacabka ka ganacsada iyo kuwa cuna ku booriyay inay ka fekeraan caafimaadkooda iyo caafimaadka bulshadooda.
Dhinaca kale, taliyaha ciiddanka bilayska Puntland, Muxiyadiin Axmed Muuse, oo xalay saxaafada shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay inay qaadayaan tilaabooyin culus oo Qaadka lagula dagaaalamayo.