Xog: Xagee marayaan wadahadalladii u dhexeeyay dhinacyada isku haya Jubbaland
Isniin, April, 06, 2020 (HOL)-Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa mudooyinkii u danbeeyay ka socday wadahadallo u dhexeeya Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynayaashii kale ee Kismaayo kaga dhawaaqay in ay kasoo horjeedaan doorashadii dhacday, islamarkaana sheegtay in ay ayagu yihiin Madaxweynayaasha saxda ah ee Jubbaland, ee kala ah C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/naasir Seeraar Maax.
Wadahadalladan oo ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin xilal ka haya, qaarkoodna kasoo qabtay Kenya iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Jubbaland ayaa soo maray heerar kala duwan, ayadoo dhinacyada isku haya siyaasadda Jubbaland ay aad uga doodeen qodobo dhowr ah oo ay isku mari la’aayeen.
Sarkaal katirsan dhinacyada wadahadalka ku jira oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo la xiriira in uusan ogolaansho u heeysan la hadalka warbaahinta ayaa Hiiraan Online u sheegay in wadahadallada oo markii hore soo maray marxalado adag ay hadda meel wanaagsan marayaan, islamarkaana la rajeeynayo in labada maalin ee nagu soo aadan laga soo saaro war-murtiyeed.
Arrimaha ugu badan ee ay dhinacyadan isku hayeen ayaa ahayd in siyaasiyiinta C/naasir Seeraar Maax iyo C/rashiid Maxamed Xidig ay ka biyo dideen in xilka Madaxweyne ay ka tanaasulaan, taa badalkeedana ay dalbanayeen in doorasho lagu celiyo haddii la doonayo in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay dhinacyada isku haya Jubbaland, balse wararka ayaa sheegaya in arrimahaasi xal laga gaaray, imikana uu jiro gor-gortan siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacaydaasi.
“Wadahadal dheer kadib, Seeraar iyo Xidig hadda waxa ay ogolaadeen in ay u tanaasulaan Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam, weli waxaa jira arrimo kale oo la lafagurayo oo aan heshiis dhab ah laga gaarin, balse muddo yar kadib waxaa soo bixi doona war murtiyeed lagu soo afjarayo khilaafka,” ayuu yiri Sarkaalka u waramay HOL.
Tan iyo wixii ka danbeeyay doroashadii bishii Aug ee 2019 ka dhacday Jubbaland, waxaa aad cirka isugu shareeray khilaafka dowladda Soomaaliya oo gabi ahaanba qaadacday natiijooyinka doorashooyinka Jubbaland iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaaminyo Axmed Maxamed Islaam, waxaa dowladda Soomaaliya ay ciidamo geeysay gobolka Gedo, ayadoo inta badan gudoomiyeyaashii degmooyinka gobolkaasi ay dowladdu heshiis la gashay, waxaana hadda gacanta dowladda ku jira guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo marka laga reebo degmada Ceel-waaq.