Jimco, April, 03, 2020 (HOL) - Labo gabdhood oo walaalo ah oo kala ah saddex jir iyo afar jir, ayaa lagu kufsaday degaanka Bood-boodka oo katirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeeladda hoose.
Labadaan ilmood oo dhaawac culus uu kasoo gaaray kufsiga loo geystay, ayaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo.
Waalidiinta dhalay carruurtaan ayaa u sheegay warbaahinta in ilmahooda oo ay waysanaayeen muddo 24 saac ah, ay ka heleen meel cidlo ah iyagoo loo geystay kufsi. Waxayna dalbadeen in cadaaladda la horkeeno dadkii dhibaatadaas u geystay.
Agaasimaha isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf Maxamed, ayaa sheegay in uu dhaawac culus gaaray labada gabdhood ayna xaaladdooda culus tahay loona baahan yahay inay galaan saddex qalliin oo culus.
Guddiga xuquuqul insaanka barlamaanka Soomaaliya ayaa booqday dhibbanayaasha iyo qoyskooda waxayna hay’addaha amniga iyo cadaaladda ugu baaqeen in dambiilayaasha lasoo qabto lana mariyo waajibaadka ay mudan yihiin.
falkaan kufsiga ah ayaa loo xiray 18 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobolka Shabeeladda hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax.
Sanadihii ugu dambeeyay kufsiyada ka dhacaya Soomaaliya, ayaa kordhayay, balse kufsiga nuucaan ah ee loo geystay labo ilmood oo walaalo ah, oo saqiir ah ayaa ah mid ugub ah.