Baarlamanka Koofur galbeed oo muddo sanad ah xilka ugu daray Madaxweyne Lafta-gareen
Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Waqtiga maamul ee Madaxawenaha Koonfur
Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta-gareen ayaa waxaa lagu kordiyay
muddo sanad ah , iyadoo arrintaasi looga gol leeyahay is-waafajinta
muddada xilka ee Madaxweynaha iyo kan baarlamanka Koofur galbeed oo
is-weydaarsanaa .
Muddada oo horay u aheyd 4 sano, waxaa hadda ay noqoneysaa shan sano iyo dhowr bil, marka loo’eego muddo xileedka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Baarlamanka Koofur galbeed waxaa soo xulo salaadiinta dhaqanka ee beelaha, kadibna waxey doortaan Madaxweynaha maamulkaasi. Laakiin waxaa Madaxweyne Lafta-gareen doortay baarlamankii hore, iyadoo mar kale dib loo soo xulay baarlamankaan, haddase waxaa muuqanaya in xildhibaannadan cusub iyo Madaxweynaha uu waqti qura xilka ka dhammaanayo.
Cabdicasiis Axmed Barrow
Barrow@hiiraan.com
Hiiraan online, Muqdisho