3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

 

Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay kulan casho waxaa uu hoygiisa ugu sameeyay Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo C/casiis Xasan Maxamed.

Kulankan ayaa isugu jiray hambalyeyn, is barasho iyo kala war-qaadasho, iyadoo Madaxda Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ay balan-qaadeen inay garab taagan yihiin Duqa cusub ee Muqdisho, lana shaqeyn doonaan.

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa sheegay in si dhow ula shaqeyn doonaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarka, isla markaana xiriir dhow yeelan doonaan, maadaama Muqdisho deris la tahay labada maamul.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii u  dambeeyay waxaa uu kulamo la qaadanayay Xildhibaanada labada Gole,  siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana kulamadan ay  ahaayeen kuwo Guddoomiyaha kala hadlayay arrimaha amniga iyo horumarka  Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 













Click here
9/18/2019 3:53 PM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay gaadiid uu la socday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

9/18/2019 1:46 PM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Gaari ayaa ku qarxay waddada hal-bowlaha ah ee Maka Al-mukarama, xilli ay halkaa ka socotay xaflad daahfur xarun cusub oo ganacsi.

9/18/2019 1:12 PM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)- Kaddib Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka qeybta 27aad ee gobolka Hiiraan ayaa shaqo joojin ku sameysay Ku simihii taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle & Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Gaashaanle Cabdi Cumar Siyaad.

9/18/2019 11:15 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S Gaas Cabdi Xassan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga Mehmet Yilmaz.

9/18/2019 10:59 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah dhallinyarada qareenada ah ee madaxa banaan ayaa sheegay inuu shaqadii qareenimo uu muddo saddex sanno joojiyey inuu ku shaqeeyo illa inta sharciga sidiisa loo raacayo.

9/18/2019 8:01 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

9/18/2019 7:20 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax lala eegtay injineer ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley.

9/18/2019 5:49 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Maxkamada Cadaaladda caalamiga ICJ ee fadhigeedu yahay Hague ayaa sheegtay in horaanta bisha November dib loo furi doono dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

9/18/2019 1:48 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ku soo xiray magaalada Dhuusamareeb wajiga koowaad ee Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug.

9/18/2019 1:41 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa maanta sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeeray “weeraradii fuleynimada ahaa” ee hakiyey kala-bar wax soo saarkii saliida dalkiisa, hase yeeshee waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay “si cad u wajahaan” kuwii ka dambeeyey.

9/18/2019 1:38 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo ciidamada dowladda ka sameeyeen ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbadda Hoose iyo Hiiraan ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

9/18/2019 1:13 AM EST
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa'iidada u leh labada dal.