4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalo laga sameeyay gobollada Jubbada Hoose iyo Hiiraan

 

Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo ciidamada dowladda ka sameeyeen ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbadda Hoose iyo Hiiraan ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolkaasi Jubbada Hoose ay ku dileen Ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana mid ka mid ah ay nolosho kusoo qabteen.

Waxaa uu dhinaca kale taliyuhu sheegay in ciidanka xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buulebure ee gobolka Hiiraan lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madixii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Al-shabaab wali dhankooda kama aysan hadalin warka ka soo baxay taliska militariga Soomaaliya, waxaana uu imanaya hadalka taliyaha xili Al-shabaab ay kordhiyeen weerarrada ka dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]