Madaxweyne Donald Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Cali Shariif Axmed
Arbaco Septembar, 17 2019 (HOL)Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka
cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka Ambassador Cali
Shariif Axmed, kaddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay
oo shalay ka dhacday Aqalka Cad ee Washington, DC.
Danjire
Cali Shariif Axmed ayaa madaxweyne Trump u gudbiyay dhambaalka dowladda
Federalka Soomaaliya, kaas oo ah xoojinta
xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee Mareykanka iyo
Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale madaxweynaha xusuusiyay qorsheyaasha
dowladda ee dhammaan dhinacyada kala duwan iyo horumarka ay dowladdu
sameysay dhawaanahaan, waxaana madaxweyne Trump uu
safiirka u sheegay inuu ku faraxsanyahay imaashihiisa Mareykanka.
Ka
hor Mareykanka, Danjire Cali Shariif Axmed wuxuu u soo noqday safiirka
Soomaaliya ee dalalka France iyo Itoobiya, ergayga
joogtada ah ee Soomaaliya ee Midowga Africa iyo wakiilka Soomaaliya ee
guddiga dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Africa ee UNECA. Wuxuu sidoo
kale soo noqday la taliyaha sare ee Xaafiiska Madaxweynaha ee arrimaha
siyaasadda, waxaana intii uu matalayay dowladda
uu horseeday dadaallo badan oo siyaasadeed oo dhaliyay dib u heshiisiin
iyo nabadeyn ah.
Waayo aragnimadiisa dowladeed waxaa dheer, in Danjire Cali Shariif uu
soo noqday maamule sare, wuxuuna la taliyay ganacsato iyo shirkado
waaweyn caalami ah. Ambassador Axmed wuxuu shahaada labaada ee Masters
ka heystaa cilmiga Siyaasadda iyo Qorsheynta sare
oo uu ka qaatay Jaamacadda Sussex, halka shahaadada kowaadna ee
bachelor's ka uu ku sameeyay cilmiga Nabadda iyo daraasaadka Khilaadka
ee Peace and Conflict Studies wuxuuna ka qaatay Jaamacadda London
Metropolitan University ee dalka Ingiriiska.
photo Credit:Jocyce N Boghosion,WH
Hiiraan Online, News desk
Minneapolis, Minnesota