4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2019
Howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, halkaas oo ay ka dhaceen weeraro kala duwan.

Toddobaadkan ayeey aheyd markii deegaan ka fogeyn degmada Balcad weerar ka dhacay lagu dilay  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahana kuwa Burundi.

Ciidamada dowladda ayaa howlgalkan ku qabqabteen dad farabadan oo isugu jira dad da’ah  iyo dhalinyaro, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska  degmada Balcad.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya deegaannada  howlgalka laga fuliyay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid  degan,islamarkaana ciidamada wali ay dhaq dhaqaaq ka wadaan wadadaas.

Howlgalkan ciidamada dowladda ay ka fuliyeen wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli  wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad ay todobaadkaan ka dhaceen dhowr  weerar,isla markaana ay ku dhowdahay in ay mas’uuliyiinta go’aan.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalintii shalay Jowhar ka sheegay in  gobolka Shabeellaha dhexe ay soo buuxiyeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka soo cararay howlgalada ay ciidamada dowladda ka wadaan gobolka Shabeellaha hoose.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]