4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulankan ayaa ahaa mid is barasho iyo kala war-qaadasho, waxaana la isku dhaafsaday tallooyin guud oo ahaa mid amni iyo aayaha magaalada Muqdisho sidii horumarkeeda loogu wada shaqeyn lahaa.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha u soo jeediyay tallooyin dhinaca amniga ah, sida in la furo jidadka xiran ee magaalada, isla markaana shacabka Muqdisho laga qaado culeysyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mahadceliyay tallooyinka ay u soo jeediyeen Xildhibaanada, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan, loona istaago horumarka caasimadda, waxaana uu caddeeyay inay ka go’an tahay wax ka qabashada amniga caasimadda iyo in la furo jidadka xiran ee magaalada.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waday kulamo iyo wadatashi la xiriira Amniga Muqdisho iyo sidii leysugu furi lahaa jidadka xiran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]