4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Kulan Muqdisho ku dhaxmaray hay'addaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka


Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay kulan-howleed wadajir ah oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo gudigga madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulan howleedkan wadajirka ah ee maanta furmay ayaa waxaa ugu horeyn ujeeddadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka  Maxamed Abuukar Zubeyr, waxuuna sheegay in kulankan uu muhiim u yahay  seddexda hay’ad maadaama waqtigii loo qabtay dhameeystirka dastuurka uu  gebo-gebo marayo.

Muumino Sheekh Cumar oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka Gudigga Madaxabanaan  ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa sheegtay in ka guddi  ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin ka qaybgalka kulankan, waxaa kale oo ay  xustay in gudigga madaxbanaan uu shirka ku soo bandhigi doono  waxqabadkiisa iyo waxa u qorsheysan.

Dhanka kale Senator Cabdiqaybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid looga hadlay sidii howlaha masiiriga ah ee dastuurka dhameystirkooda guul looga gaari lahaa.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo kulan howleedkan furay ayaa yiri “waxaa naga go’an hadaanu nahay seddexdan hay’ad in howlaha dastuurka aysan iska noqon arrimo iska furan oo ah mashruuc la iska quuto, waxaan dooneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan loo dhameystiro dastuurka; kulankan inoo furmay waxa aan uga doodeynaa sidii arrimaha ayaaha dambe ee dadka Soomaaliyeed raad ku yeelan doona ee dastuurka ku jira loo dhameystiri lahaa”.

Ugu dambayn, kulan howleedkan ayaa muddo seddex maalin ah socon doona waxaana looga doodi doonaa qorsho howleedyada u degsan hay’adaha dib-u-egiista dastuurka, waxaana dhamaadka banbax-howleedka laga soo saari doonaa War-murtiyeed shacabka lala wadaagi doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]