Madaafiic khasare dhismasho sababtay oo lagu weerarray degmada Marka
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo lagu weeraray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose wax yar ka hor inta uusan halkaas ka soo ambabaxin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo shalay safar ku tagay.
Dad ku sugan degmada ayaa sheegay madaafiicdan oo ay soo rideen Al-shabaab in qaar ka mid ah ay ku habsadeen xaafado ku yaalla magaalada Marka, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Madaafiicdan ayaa cabsi xooggan ku abuuray bulshada ku dhaqan degmada kuwaa oo tan iyo shalay ku howlanaa soo dhaweynta ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Qof Dumar ah ayaa la sheegay ku dhimatay duqeyntan, halka saddex ruux oo kalana ku dhaawacmeen sida ay sheegeen goob joogayal ku sugan magaalada Marka.
Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa shalay booqasho saacado qaadatay ku tegay Magaalada Marka halkaasoo uu kula hadlay shacab boqolaal gaaraya, isagoo isla galabta ku soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa muddo labo toddobaad ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]