3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Xildhibaanno sheegay in ilaaladoodii laga kaxeystay

 

Axad, September. 15, 2019 (HOL)-Xldhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gabi ahaanba laga qaaday Ilaaladii u gaarka aheyd taasoo sababtay sida ay hadalka u dhigeen in ay guraha ka soo bixin waayaan.

Senator Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa ku eedeysay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal  Odowaa Yuusuf Raage inuu uruursaday ilaalada xildibaanno ka tirsan labada  Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Senator Nuura ayaa intaa ku dartay in iyada laga qaaday Saddex askari oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo ilaalo u ahaa, waxey-na sheegtay ineysan garaneyn sababta  ka danbeysa arintan.

Waxey kaloo intaa ku dartay  in sidoo kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise,  Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan CabdiKaafi sidoo kale laga qaaday ilaaladodii, iyagoo aan loo sheegin sababteeda.

Madaxweyne Farmaajo ayeey ka codsatay inuu arintan wax ka qbato,  taliyaha xoogga dalka ayey tilmaamtay xiriiro dhowr ah oo ay la sameysay  inuusan ka jawaabin wicitaanadeeda.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale ciidamada ilaalada u  ahayd xildhibaanno caan ah lagu amray inay ku soo xeroodaan Villa  Baydhabo. Hase yeeshee ma jiro xildhibaan ama Senatar kale oo sheegay in  ilaaladiisii loogaga yeeray taliska ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
  

 
 
 
 
 













Click here
9/15/2019 2:28 PM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax Khasaare geystay lala eegtay Mas’uliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo marayay Agagaarka degaanka Shalanbood.

9/15/2019 11:14 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL )– Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin heshiishkii saldhiga Militeri ee Imaaraadku ka dhisanayey garoonka Berbera.

9/15/2019 10:20 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tubta qaran ee gaarsiinta caafimaad dhameystiran, kaas oo mawaadin kasta oo Soomaaliyeed u ogolaanaya in uu helo daryeel caafimaad oo heer caalami ah.

9/15/2019 8:47 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen ciidamada ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM lagu weeraray deegaan lagu magacaabo Garas Deelle oo hoostaga degmada Balcad.

9/15/2019 7:58 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay kulan-howleed wadajir ah oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

9/15/2019 6:58 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi (Baaddiyoow), ayaa sheegay in uu gabogabo yahay kulankii dib u heshiisiinta ee Dhuusa-Mareeb.

9/15/2019 5:24 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)- Boqolaal dhalinyaro ah oo ka mid noqonaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalintii shalay tababar loogu soo xiray xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne ayaa saakay loo qaaday xerada 21aad ee degmada Dhuusa-Mareeb oo ay ka howlgali doonaan.

9/15/2019 4:26 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Shirka maalgashiga Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa ka qaybgalaya maalgashadayaal, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo khayraadka ee gobolka.

9/15/2019 1:37 AM EST
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo lagu weeraray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose wax yar ka hor inta uusan halkaas ka soo ambabaxin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo shalay safar ku tagay.

9/15/2019 12:50 AM EST
Axad, September,15, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay xaley qeybo ka mid ah gobolka ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.