3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,kaddib 13 maalin oo safarro shaqo uu ku kala bixiyay dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga la socda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii Galmudug uu joogay, wuxuu Dhuusamareeb ka furay shirka dib-u-heshiisiinta ee looga tashanayo aayaha iyo dib-u-dhiska Galmudug, Caaduudwaaq waxa uu ka dhagax dhigay dhisme lagu kordhinayo jaamacadda ummadda, waxa uuna sidoo kale dhammeystiray geeddi socodkii nabadeynta bulshada Xeraale iyo Huurshe oo lagu guuleystay in heshiis nabadeed ay kala saxiixdaan.

Sidoo kale, Ra'iisul ayaa intii uu joogay Koonfur Galbeed waxa uu la kulmay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, oo uu ka dhageystay baahiyaha ay qabaan si loo daboolo, waxa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed, isaga oo dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay dhaqaale lagu horumarinayo garoomada kubbadda cagta Dr. Ayuub iyo Dr. Waaberi ee Baydhabo iyo Xudur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Koonfur Galbeed, kula kulmay safiirrada dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya, wakiillada beesha Caalamka iyo saraakiil kale oo ka socota bangiga adduunka iyo Qaramada Midoobay, oo uu kala haday in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan ka guul gaaridda horumarka ay dooneyso in ay ku tillaabsato si ay u gaarto dib-u-kabasho dhameystiran.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
9/14/2019 3:18 PM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Taliyaha Guutada Shanaad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaalyeed Col Faarax Cali Waasuge [Faarax Kooshin] ayaa si kulul uga hadlay khilaaf waayadii ugu danbeeyayba u dhaxeeyay odayaasha dhaqanka G Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya.

9/14/2019 9:49 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose.

9/14/2019 9:47 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida, Osama bin Laden.

9/14/2019 9:04 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL )– Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in garoonkii laga dhisayey saldhiga Imaaraadka loo bedelayo garoon shacab oo diyaaradaha xamuulka sidaa ka soo degaan, kaasi oo ka shaqo badnaanaya dekadda Berbera.

9/14/2019 7:48 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Waxaa goor dhaw isaga baxay magaalada Beledweyne ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka socday qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada, kaddib khilaaf xoogga oo soo kala dhaxgalay odayaasha dhaqanka gobolka iyo dowladda federaalka.

9/14/2019 6:21 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabele Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Waddada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.

9/14/2019 6:05 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Jaamacadda Jobkey ee ka dhisan Soomaaliya iyo Jaamacada Mahsa University oo ku taala dalka Maleysia ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Kuala-lampur ee caasimada dalkaas.

9/14/2019 4:58 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan la wadin ayaa sababay dab ka kacay labo warshadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dowladda Sacuudiga ay maamusho ee Aramco.

9/14/2019 4:54 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheraad ah ka bixiyay toogasho xalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo rag hubeysan ku bartilmaameedsadeen Avv. Axmed Jaamac Qalyar

9/14/2019 4:41 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo goor dhow lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin oo marayay duleedka degmada Balcad, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

9/14/2019 2:51 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud, iyo soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

9/14/2019 2:32 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

9/14/2019 1:59 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya oo ka faa'ideysaneysa dib u dhiggista kiiska dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa u muuqata in xiligan in ay ku howlan tahay raadinta in kiiskan lagu soo afjaro qaab aan aheyn Maxkamadda ICJ oo hadda gacanta ku heysa.

9/14/2019 1:45 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Sida aan wada ogsoonahay sannadkii 1960kii markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayaa dadka ree Ayshica waxay sameeyeen dabaal deg aad u waynaa oo muujinayay farxadda ay la wadaagayeen walaalahooda Soomaaliya ee xornimada qaatay.

9/14/2019 1:40 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dagaalameen meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmada.