Trump oo xaqiijiyay dilka wiilka Osama Bin Laden
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida, Osama bin Laden.
Bayaan uu Sabtida maanta ah kasoo saaray xafiiskiisa Aqalka Cad ayuu
Trump ku sheegay, in Hamza Bin Laden lagu dilay howlgal ka dhan aha
argagixisada oo laga fuliyay xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan.
Wuxuu sheegay in dhimashada Hamza aysan kaliyah dhaawac dhanka
hogaanka ah ku aheyn Al Qacida, balse ay wiiqi doonto howlgallada iyo
dhaqdhaqaaqyada muhiimka ah ee kooxda.
Warbaahinta Mareykanka ayaa horraantii bishi August sheegtay, in ay
ilo wareedyo xaga mukhaabaraadka ah u sheegeen dilka ina Bin Laden.
Xiligaas waxay warbaahintu sheegtay in ay ogaadeen in Xamza la dilay
inti lagu guda jiray labadi sano ee lasoo dhaafay, laguna khaarijiyay
howlgal uu Mareykanka ku lug lahaa.
Xamza ayaa ahaa canuga 15-aad ee 20-ka carruur ee uu ka tagay Osama
Bin Laden. Waxaa dhashay xaaska saddexaad ee Osama, waxana sida la
sheegay uu ku jiray da’da soddomeeyada. Waxaana lagu tirinayay inuu ahaa
hogaamiye soo baxay oo yeelatay Al Qaacida.
Inta uusan dhiman waxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxiisa
saartay hal milyan oo dollar cidii soo sheegta goobta uu ku suganyahay.
VOA