3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin qarax miino lagu dilay

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabele Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Waddada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi  Raajicuun. anigoo ku hadlaya afka golayaasha dowladda Hirshabelle iyo  kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, guud  ahaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle ay ka  geeriyoodeen Mas'uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana  shahiiday" ayuu yiri Madaxweyne Waare.

"Labada Mas'uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay  waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabeelle u horumari laheyd"  sidaasi waxaa yiri madaxweyne Waare.

Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Marxuumeenta Alle uga baryay  in uu naxariistii Jannatul fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii  ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 
 













Click here
9/14/2019 3:18 PM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Taliyaha Guutada Shanaad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaalyeed Col Faarax Cali Waasuge [Faarax Kooshin] ayaa si kulul uga hadlay khilaaf waayadii ugu danbeeyayba u dhaxeeyay odayaasha dhaqanka G Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya.

9/14/2019 12:12 PM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,kaddib 13 maalin oo safarro shaqo uu ku kala bixiyay dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

9/14/2019 9:49 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta gobalka Shabeellada Hoose iyo dadweyne kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaala xeebeedka Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose.

9/14/2019 9:47 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta xaqiijiyay dilka Hamza Bin Laden oo ahaa wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida, Osama bin Laden.

9/14/2019 9:04 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL )– Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in garoonkii laga dhisayey saldhiga Imaaraadka loo bedelayo garoon shacab oo diyaaradaha xamuulka sidaa ka soo degaan, kaasi oo ka shaqo badnaanaya dekadda Berbera.

9/14/2019 7:48 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Waxaa goor dhaw isaga baxay magaalada Beledweyne ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka socday qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada, kaddib khilaaf xoogga oo soo kala dhaxgalay odayaasha dhaqanka gobolka iyo dowladda federaalka.

9/14/2019 6:05 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Jaamacadda Jobkey ee ka dhisan Soomaaliya iyo Jaamacada Mahsa University oo ku taala dalka Maleysia ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Kuala-lampur ee caasimada dalkaas.

9/14/2019 4:58 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan la wadin ayaa sababay dab ka kacay labo warshadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dowladda Sacuudiga ay maamusho ee Aramco.

9/14/2019 4:54 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheraad ah ka bixiyay toogasho xalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo rag hubeysan ku bartilmaameedsadeen Avv. Axmed Jaamac Qalyar

9/14/2019 4:41 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo goor dhow lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin oo marayay duleedka degmada Balcad, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

9/14/2019 2:51 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay musaanabad sagootin ah oo wafdiga uu hoggaaminayo loogu sameeyay magaalada Baydhabo, ayaa bulshada Koonfur Galbeed ku ammaanay isku-duubnida, dowlad jaceylka, ka shaqeynta danta guud, iyo soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

9/14/2019 2:32 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

9/14/2019 1:59 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya oo ka faa'ideysaneysa dib u dhiggista kiiska dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa u muuqata in xiligan in ay ku howlan tahay raadinta in kiiskan lagu soo afjaro qaab aan aheyn Maxkamadda ICJ oo hadda gacanta ku heysa.

9/14/2019 1:45 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Sida aan wada ogsoonahay sannadkii 1960kii markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayaa dadka ree Ayshica waxay sameeyeen dabaal deg aad u waynaa oo muujinayay farxadda ay la wadaagayeen walaalahooda Soomaaliya ee xornimada qaatay.

9/14/2019 1:40 AM EST
Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dagaalameen meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmada.