4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Xuska Sannad-guuradii 59aad ee Xasuuqii Ayshica oo maanta lagu qabanayo magaalada Ayshica ee DDS Itoobiya

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Sida aan wada ogsoonahay sannadkii 1960kii markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayaa dadka ree Ayshica waxay sameeyeen dabaal deg aad u waynaa oo muujinayay farxadda ay la wadaagayeen walaalahooda Soomaaliya ee xornimada qaatay.

Haddaba Boqorkii xilligaa haystay Itoobiya ee Xayle silaase ayaa markii uu ka war helay in dad uu isagu maamulo ay u dabaal dagayaan xornimada Soomaaliya waxaa uu Ciidankiisii amar ku siiyay in dadkii dabaal-dagga sameeyay oo dhan hal meel inta la isugu keeno la laayo, sidii ayaana lagu laayay dadkii oo isugu jiray Rag waawayn Hooyooyin iyo waliba caruur yaryar.

Haddaba maanta oo Sabti ah  magaalada Ayshica ee Gobolka Shinniile ayaa lagu qabanayaa Xus aad u  wayn oo loogu baroor diiqayo Xasuuqii 1960kii ay gaysteen Ciidamadii  Xaylesalaase, kaas oo lagu laayay dad shacab ahaa oo aad u tiro badan.

Xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galaya Madaxda ugu saraysa Dawladda Degaanka Soomaalida oo ugu horeeyo Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, sidoo kale waxaa kasoo qayb galaya marti sharaf kale oo ka imaanaysa dalalka dariska ah iyo dad aad u badan oo ka imaanaya degaanka.

Waa markii u horraysay ee noocan oo kale loo xuso dhacdadan murugada leh, iyadoo wixii isbaddalka ka horeeyay ay shacabku iskood u qabsan jireen xuskan, haddase madaxdii dawladda iyo dad meelo fog ka yimid ay kala qayb galayaan xuska maanta.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]