4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Ku dhawaad 1000 Ardey ah oo u fariisatay Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir


Jimco, September, 13, 2019 (HOL)- Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday imtixaanka ogolaanshaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen sanadkan arday fara badan oo ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka.

“Si fursad loo siiyo ardayda ka imaneysa dalka dibediisa iyo gobolada dalka ee soo dalbanaya Jaamacada Banaadir, waxaa imtixaanka loo kala qaaday dhowr qeybood, qeybta koowaad ee maanta u fariisanaysa imtixaanka waa 824 arday oo isugu jira 371 gabdho iyo 453 wiil, qeyb labaad iyo qeybo kale ayaana xigi doona, todobaadyada soo socda” ayuu yiri Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed oo ah diiwaan haya Jaamacadda.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Tahliil Cabdi Afrax ayaa isna sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan ardayda faraha badan ee sanadkan ku soo biireysa Jaamacadda, isagoo xusay in Jaamacadda Banaadir looga bartay waxbarasho tayo leh.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ayaa shirka jaraaid ka sheegay inuu ku faraxsan yahay soona dhoweynayo ardayda faraha badan ee u fariistay Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir.

“Waxaa farxad inoo ah maanta inaan bilowno Imtixaanka qubuulka ee Jaamacada Banaadir ee sanadka 2019-2020, waxaana u fariisanaya sanadkan arday fara badan, taasoo muujineysaa, khibrada sumcada, tixgelinta iyo karaamada ay Jaamacaddu ku leedahay bulshada” ayuu yiri Dr. Biday

Guddoomiyaha Mu’asasada Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) ayaa isna u mahad celiyey waalidiinta Soomaaliyeed ee caaruurtooda ku aaminay Jaamacada Benaadir, isagoo dhinaca kale daboolka ka qaaday in imtixaanka sanadkan lagu qabanayo Kambas cusub oo Jaamacada Benaadir ay ka iibsatay degmada Hodan.

“Ardayda sanadkan ku soo biireysa Jaamacadda Benaadir waxay nasiib u yeesheen iney imtixaanka ku galaan kambaska weyn ee dhowaan Jaamacadu iibsatay oo ku yaalla degmada Hodan, kaasoo loogu magacdaray Prof. Ibraahim Caddow ILAAHAY ha u naxariistee si aan ugu maamuusno maadaama uu ahaa Guddoomiyihii labaad ee soo maray Jaamacada Banaadir, waxaana leenahay ardayda ku soo dhowaada kambaskan cusub” ayuu intaas ku daray Dr. Bushkuleeti.

Senator Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo gebagebadii ka hadlay shirka jaraaid ayaa u hambalyeeyey ardayda cusub ee u fariisatay imtixaanka qubuulka Jaamacada Benaadir, wuxuuna xusay iney doorteen Jaamacad aqoonsi caalami ah heysata, isagoo kula dardaarmay iney dedaal badan muujiyaan si ay uga mira dhaliyaan safarka waxbarasho ee u bilowday.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Guddoomiye ku-xigeenada dhinacyada Waxbarashada iyo Maamulka ee Jaamacada Banaadir C/raxmaan Xasan Cumar, Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan Aasaasayaasha Jaamacada Banaadir iyo xubno kale oo iyana ka hadlay shirkan jaraaid ayaa ka waramay dedaalka ay jaamacaddu u gashay qabashada imtixaankan iyo soo dhoweynta ardayda cusub.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Guddoomiye ku-xigeenada dhinacyada Waxbarashada iyo Maamulka ee Jaamacada Banaadir C/raxmaan Xasan Cumar iyo Eng. Khaliif Muuse, hormuudka arrimaha ardayda ee Jaamacada Raage Maxamed Shahiid iyo xubno kale oo dhamaantood ka waramay dedaalka ay jaamacaddu u gashay qabashada imtixaankan iyo soo dhoweynta ay ugu talo gashay ardayda cusub ee ku soo biireysa sanadkan.

Masuuliyiinta iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada Banaadir ayaa kormeeray Imtixaanka, kuwaasoo ku soo wareegay fasalada lagu qaadayey iyagoo u kuur galay sida habsamida leh ee uu u socday, iyagoo ardayda tilmaamo iyo tusaalooyin ka siinayey nidaamka imtixaanka loo galayo.

Sanad walba xiligan oo kale ayaa Jaamacada Benaadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka waxaa ku soo biira arday fara badan oo soo dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare ee dalka, kuwaasoo hamigoodu yahay iney helaan tacliin sare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]