4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Axmed Madoobe ''' Madaxda dowladda ayaa u baahan in Amnesty International wax ka qabato dhibaatada ay geysteen

 

Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Madax-weynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo maanta jeediyay khudbad soctay ku dhawaad 28 daqiiqo ayaa si adag u weeraray siyaasadda madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa si gaar ah isku dultaagay xayiraadii dowladda Soomaaliya ay ku soo rogtay diyaaradihii tagi jiray magaalada Kismaayo iyo deegaannada kala duwan ee Jubbaland iyo xarigga Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan  oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ka rabeen doorashada Jubbaland wixii ay ka sameeyeen oo kale magaalada Bedhabo ee gobolka Baay, isaga oo sheegay in sababta ay doorashada ugu biyo diideen tahay  in dowladda ka weysay musharax sidey rabto uga sameyn kara Jubaland, si lamid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo dhamaadka sanadkii hore 2018.

''Markii aan Kismaayo soo galeynay dhaawac iyo Meyd ayaa  wadanay, dadka hada hadlaya Stursbucks ayay Coffee ku cabayeen" isaga oo ula jeeday in nabada iyo hormarka ka jira Kismaayo iyo deegaannadda Jubbaland dhiig badan loo soo daadiyay.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday xayiraada duulimaadyada oo ay dowladda ku soo rogtay Jubbaland ayuu sheegay in shaqsi ahaan isaga aysan arintaa wax saameyn ah ku yeelan doonin balse, waxa la dhibayo oo kaliya yihiin dad shacabka ee dhibaateysan.

Wuxuu sheegay in xayiraadaasi ay ka dhalatay gabood falo-waaweyn iyo dabi sida uu hadalka u dhigay ay hadda gacanta ku heyso Xeer Ilaalinta Jubbaland, dhawaan la soo bandhiggi doono, iyadoo ay jiraan ayuu yiri dad xitaa ku dhintay in ay ku jireen safarkaa saacadaha badan qaadanaya.

Mar uu soo hadal qaaday xariga Wasiir Janan, wuxuu sheegay in Janan u xiran yahay diidmo uu kala horyimid  madaxda dowladda inuu bur buriyo maamulkii Jubaland ee uu markiisii hore  gacantiisa ku dhisay, isagoo iska diiday balanqaadyo dhowr ah oo ay u sameeyeen madaxda dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Odayaal u tagay madaxweyne Farmaajo oo ka  socday gobolka Gedo iyo kuwo ku heyb ah Wasiirka xiran ayuu shaaciyay  in Af cad loogu sheegay in Wasiirkooda la sii deynayo hadii ay  ogolaadaan iney iska diidaan doorashadii Axmed Madoobe uu ku soo baxay,  mid cusubna ay ku diyaariyaan gobolka Gedo.

Waxa uu soo hadal qaaday eeda Amnesty International ee Wasiir Janan, isagoo Su’aal iska weydiiyay sababta hay’adaasi aysan uga hadal askartii dowladda ka leysay C/raxmaan C/Shakuur, dadkii Ciidanka dowladda ay ku laayeen Baydhabo sanadkii hore iyo Taliyihii holwgalkaasi wax ka waday ee loo dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

''Amnesty International maxey dalkan ka qaban kartaa, haddii ay Amnesty wax qabaneyso waa in ay wax ka qabataa dhibaatada ay geysteen inta xukunka hayeen madaxda hadda dalka hoggaamisa'' ayuu yiri Axmed Madoobe. 

Madaxweynaha maamulka  Jubaland Axmed Madoobe ayaa ugu danbeyntii ku hanjabay in uu talaabo ka  dhan ah dowladda qaadi doono, hadii madaxda dowladda aysan la iman Siyaasad ka duwan mida haatan lagu cuna qabateynayo maamulkiisa  Jubaland isaga oo yiri'' Maxaa Somaliland loola yaabayaa, haddii uu dhaqanku sidan yahay''

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]