4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday rag loo heystay qarax ka dhacay Muqdisho

 

Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun ku ridday rag loo heystay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo dad rayid ku dhinteen.

Raggan oo lagu kala magacaabayay Sayid Cali Aadan Nuur, Xasan Cali Barre iyo Muxudiin Maxamed Axmed ayaa lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay 26 bishii November ee sanadkii hore Xaafada Kaawo Godey ee degmada Wadajir.

Maxkamadda ayaa la horkeenay caddeymo kala duwan oo ku aadan gaariga qaraxa waday ay dhigeen goob suuq aheyd, waxaana qaraxa ku dhintay illaa 10 ruux oo uu ku jiray askar ka tirsan ciidanka iyo hooyadiis.

Dhageysiga Maxkamadda kaddib ayaa maanta waxay Maxkamadda dil toogasho ku xukuntay Xasan Cali Barre, halka xabsi daa’in lagu xukumay Sayid Cali Aadan Nuur.

Maxkamadda ayaa sii deysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]