3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Garbahaarey gobolka Gedo

 

Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal Talaadadii toddobaadka ka dhacday degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Cumar Cabdi Qorax oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda guutada 10aad ayaa sheegay in Sideed ka tirsan dagaal yahannada Al-shabaab lagu dilay weerar ay ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Garbahaareey.

''Wuxuu ahaa dagaal qaatay ku dhawaad saacad, ciidamada wey iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday waxeyna dileen ilaa Sideed xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dhaawacmay weerarka, hasse ahaate ma uusan sheegin wax khasaare dhimasho ah oo soo gaaray ciidamada la soo weeraray.

02 bishan September ayeey aheyd markii sida oo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen inta u dhaxeysa gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose Sagaal ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]      

 

 













Click here
9/12/2019 1:51 PM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee fadhigooda yahay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

9/12/2019 11:51 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Madax-weynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo maanta jeediyay khudbad soctay ku dhawaad 28 daqiiqo ayaa si adag u weeraray siyaasadda madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

9/12/2019 8:06 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun ku ridday rag loo heystay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo dad rayid ku dhinteen.

9/12/2019 8:05 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen shabakad carruurta ka ganacsan jirtay oo siddeed haween ah iyo saddex rag ka kooban.

9/12/2019 7:55 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Ra’iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid.

9/12/2019 6:35 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartay odayaal dhaqameedyo ay dhowaan soo bandhigeen al-Shabaab. Kuwaasoo lagu sheegay inay ahaayeen odayaashii soo xulay Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

9/12/2019 3:45 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL )–Labadda ka mid ah masuuliyiinta shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews ayaa xabsiga loo taxaabay,kuwaas oo laba habeen oo isku xigtay la kala xidhay.

9/12/2019 2:51 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Khabiir u dhashay dalka Mareykanka ayaa soo saaray warbixin uu uga hadlayo tirada askarta AMISOM ee lagu dilay dagaallada Al-shabaab laga soo bilaabo sannadkii 2007dii.

9/12/2019 1:26 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Jigjiga waxaa maanta galinkii dambe ka da'ay roob aad u wayn, roobkan ayaa watay dabaylo waawayn iyo dhagaxaan baraf ah oo dhulka ka dhigay wada baraf.