Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Dalka Japan
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya.
Danjiraha
Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay
farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo
Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka
mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu.
Danjire
Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda
xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga
mahadceliyey soo dhaweynta diirran.
Sidoo
kale, Dowladda Japan waxa ay balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto
qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa
dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada, dhawaanna ay gargaar
gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha.
Dhankiisa,
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada
Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an
tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee
kala dhexeeya dalalka caalamka.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo
magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo
shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso
gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]