3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2019
AMISOM iyo Taliska Booliiska Soomaaliya oo ka wada hadlay Amniga Doorashooyinka


Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu la kulmay Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM  Amb, Francisco Madeira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya iyo sidii amniga loo adkeyn lahaa.

Kulan oo ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan AMISOM iyo saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Jeneraal  Xijaar wuxuu ka warbixiyay guddiga  Amniga ee dhowaan la sameeyay iyo sida ay AMISOM u taageeri karto howl-wadeenada iyaga oo sugaya amniga doorashada labada baarlamaan iyo doorashada madaxweynaha, oo la rajeynayo in dhacdo ama la qabto 2020/2021.

Isaga oo faahfaahin ka bixinaya diyaarinta ilaa iyo hadda laga  sameeyay dhinaca Amniga ayaa  Janeraal Xijaar, wuxuu kulanka ka sheegay  in weli wax badan loo baahan yahay in la qabto, balse horumar ballaaran  ay sameeysay  dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, iyadoo la  kaashaneysa la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si kor loogu qaado amniga  Muqdisho , magaalooyinka kale iyo tuulooyinka dalka oo dhan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska, oo ay wehelinayeen Taliye kuxigeenka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guud Zakia Hussein Ahmed iyo saraakiil kale, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ogaado meelaha ay doorashadu ka dhici doonto, tirada dadka ka qeyb qaadan doona doorashooyinka. iyo sidoo kale in la tababaro Ciidamo dheeri ah si ay gacan uga geystaan ​​sugidda amniga doorashooyinka.

Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Amb, Francisco Madeira ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in AMISOM iyo ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo amniga loogana hortago weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

“Waxaan u baahanahay inaan eegno dhowr arimood oo u dhaxeeya ilaha jira, sida aan u sugi karno doorashooyinka, gaar ahaan waxaan kasoo qaadaneynaa khibradeena hore iyo arinta xasaasiga ah ee tilmaamida meelaha ay doorashadu ka dhici doonto ” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Saraakiisha sarsare ee AMISOM ee goob joog ka ahaa kulanka waxaa ka mid ahaa Taliyaha cusub ee Booliska AMISOM, Kuxigeenka Kormeeraha Guud ee Booliska (AIG) Augustine Magnus Kailie; Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh, oo ah La-Taliyaha Gaarka ah ee Wakiilka Gaarka ah ee Arrimaha Militariga; Maj. Gen. Fidza Dludlu, Madaxa Howlgalka AMISOM; Babatunde Taiwo, Madaxa Arimaha Siyaasadda ee AMISOM iyo Rex Dundun, Taliyaha Boliska AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 
 

 













Click here
11/21/2019 2:28 PM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guul laga gaaray dhoofinta dhuxusha,sida ku cad war-saxaafadeed ay baahisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

11/21/2019 9:02 AM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqay dowladda federalka iyo dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah iney dib u bilaabaan wada shaqayntoodii, sida lagu sheegay warbixin golaha ammaanka loo diray 15-kii bishaan November.

11/21/2019 7:59 AM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya.

11/21/2019 3:17 AM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Wefti ka socda Hey'adda Qaxoontiga Adduunka oo uu hogaaminayo Amb. Mohamed Affey, ayaa Garowe uga qeyb galaya dood ku saabsan helitaanka xalka waara ee arrimaha qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay iyo kuwa soo laabanaya ee Soomaaliya iyo geeska Afrika.

11/21/2019 2:33 AM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida, ayaa saakay xukun dil ah ku riday Cabdulaahi Cali Maxamed, oo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatay weerarkii lagu dilay Sheikh Cabdiweli Cilmi Yare oo ahaa wadaad caan ka ah magaalada Gaalkacyo.

11/21/2019 12:12 AM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra'isul wasaaraha cusub ee dalkaasi.

11/21/2019 12:08 AM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya howlihoodii dib ugu fasaxday Labo hay’addood oo ka shaqeeya Warbaahinta, kuwaas oo horay Wasaaraddu uga joojisay howlihii shaqo ee ay ka wadeen dalka.

11/21/2019 12:03 AM EST
Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)- Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu bilaabay baaritaan la xiriira qaabkii uu dhacay dilka galinkii danbe ee shalay gudaha xarunta Xalane loogu geystay Almaas Elman oo aheyd gabar u dhaqdhaqaaqda Nabadda iyo Diblomaasi hore.