4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2019
Madaxweyne Walaalkii Ra’iisal Wasaare u magacaabay

 

Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra'isul wasaaraha cusub ee dalkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo lagu wado in Khamiista xilka loo dhaariyo, ayaa xilka qabanay iyada oo xilka ka dagayo Tanil Rajapaksa oo xisbigiisa si weyn looga guuleystay doorashadi toddobaadki hore dalkaasi ka dhcday.

Afhayeen xukumadda cusub u hadlay wuxuu sheegay Mahinda oo laba wareeg oo hore madaxweyne soo noqday ayaa isaga laftiisa walaalkii ka yar u dhaarinaya Ra'isal wasaaranimo.

Labada nin ee walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaalki sokeeya oo ku dhawaad 20 sano ka socday dalkaasi oo soo gabagaboobay 10 sano ka hor oo ay dowladda Sri Lanka kula jirtay maleeshiyada Timil.

Madaxweynaha cusub ee loo doortay Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa walaalkii Mahinda u magacaabay Ra'isal wasaaraha dalkaasi.

Mahinda ayaana sida oo kale la filayaa Khamiista in xilka Ra'isal wasaaranimada loo dhaariyo.

Xigasho BBC