4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2019
Dowladda oo dib u fasaxday hay’addo ay markii hore shaqada ka joojisay

 

Khamiis, November, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya howlihoodii dib ugu fasaxday Labo hay’addood oo ka shaqeeya Warbaahinta, kuwaas oo horay Wasaaraddu uga joojisay howlihii shaqo ee ay ka wadeen dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa sharaxay qaabkii ay ku timid in hay’adahaan shaqada loo ogolaado mar kale, maadaama kal hore laga joojiyay.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-11-2019-ka waxaa Wasaaraddu ay dib u fasaxday oo ay dib ugu ogolaatay inay wadanka ka shaqeeyaan labo hay’adood oo lagu kala magacaabo Media INK iyo Perspective media oo shaqada la xiiriirta saxaafadda iyo communication-ka ay Wasaaraddu ka joojisay 12-kii bishan kadib markii ay ku guul dareysteen inay raacaan habraacii ay Wasaaraddu u dajisay dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta, saxaafadda iyo communication-ka si loo hubiyo in dhamaantood ay waafaqsanyihiin siyaasadda ay Golaha Wasiirada ansixiyeen ee wacyigelinta Qaranka iyo siyaasadda horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed oo iyana ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen sanadkii 2015-ka” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in labada hay’adood ay buuxiyeen sharuudihii looga baahnaa, isla markaana ay keentay in markale dib loogu ogolaado inay ka howlgalaan gudaha dalka.

“Hadaba labada hay’adood markii si buuxda ugu hogaansameen dhamaan sharuudihi laga rabayna ay buuxiyeen, Wasaaradda waxa ay dib ugu ogolaatay inay shaqadooda qabsadaan, kana shaqeeyaan horumarinta saxaafadda iyo wacyigelinta, waxaan runtii anigoo ku hadlaya magaca Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo guud ahaan Wasaaradda waxaan rabaa inaan u mahadcelino dalalka iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigelinta iyo saxaafadda shaqada wanaagsan ee ay wadanka ka hayaan, iyo dadaalka ay ku garab taaganyihiin Wasaaradda shaqadeeda,”

Agaasimaha ayaa horay u soo saaray isla wareegtada shaqada looga joojiyay Labada hay’addood isaga oo sheegay in ay ku war-galiyeen oo kaliya in ay ku shaqeeyaan habraaca Wasaaradda, waxaana uuu hadda sheegay in Wasaaraddu xoojineyso wada shaqeynta hay’addaha ka shaqeeya wacyi-galinta bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]